Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda

Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waa mas’uul dowladeed madax bannaan oo aan cidna ku tiirsaneyn, kaasoo shaqadiisu ay tahay in uu horumariyo sinnaanta ilsmarkaana uu wax ka qabto takoorka. Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda wuxuu hawshiisa u qabanayaa isagoo ah qof heysta dhalashada Finland, ka warbixiye ka ganacsiga dadka, islamarkaana wuxuu ilaalinayaa dhaqangelinta dal ka saaristaama musaafurinta. Shaqada wakiilka waxaa kaloo ka mid ah lasocodka iyo horumarinta xuquuqda iyo xaaladda qofka ajnabiga ah. Waxqabadyada wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waa kuwo aad u ballaaran . Shaqooyinka kala duwan ee ay qabtaan waxaa kulminaaya oo asaas u ah ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda asaasiga ah ee bani’aadamka.

Waxkaqabashada takoorista iyo horumarinta sinnaanta iyo cadaaladda

Shaqada ugu muhiimsan ee wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waa horumarinta sinnaanta iyo ka hortagga iyo waxkaqabashada takoorsita. Hawsha u taalla wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waa in uu qiimeeyo islamarkaana uu hubiyo, in xuquuqda dadka loo hirgelinaayo si siman oo isku mid ah. Awoodda waxqabqad iyo hawlaha wakiilka waxaa lagu qoray sharciga sinnaanta iyo sharciga ku saabsan wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda.

Nidaam ahaan shaqada wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waxaa ay tahay tusaale ahaan talosiinta, caddeynta xaalad gaar ah, horumarinta heshiiska u dhexeeya laba dhinac, waxbarista, macluumaad soo uruurinta iyo saameyn ku yeelashada  sharciyada degsan iyo waxqbadka hay’adaha dawladda. Wakiilku wuxuu sidoo kale u gudbin karaa xaalad gaar ahaaneed oo takoorits ku saabsan gudiga sinnaanta iyo cadaaladda ama maxkamadda si ay xal uga gaaraan.  Wakiilki waxaa uu sameeyaa wadashaqeynta kooxaha xiriirka danwadaagnimo iyo shaqada saameynta ku leh horumarinta sinnaanta, iyo ka hortagga takoorista iyo wax kaqabashadeedaba. 

Arrimahaaga waxaad u soo gudbisan kartaa wakiilka sinnaanta, haddii aad dareemeyso in ay ku soo waajahday ama aad la kulantay takooris ku saabsan dhanka da’da, asalka aad ka soo jeeddo, dhalashada, luqadda, diinta, waxa aad aamisan tahay, aragtidaada, hawlaha siyaasadda, xirfadda aad ku shaqeysato, xaaladda qoys ahaaneed, xaaladda caafimaad, naafanimada, dhinaca jinsiga ee aad u janjeerto ama waxyaabo ku saleysan arrimo kale oo shakhsiga la xiriira. 

Ka warbixiyaha kaganacsiga dadka

Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waa ka warbixiyaha ka ganacsiga dadka oo si heer qaran oo dalkaan Finland ah. Ka warbixiyaha ka ganacsiga dadka shaqadiisu waa in uu si madaxbannaan oo aanu cid kale ku tiirsaneyn u hubiyo hawlaha dalkaan Finland gudihiisa ka socda ee looga hortagaayo ka ganacsiga dadka. Shaqada warbixiyaha waa sidii loo hormarin lahaa, aqoonsiga dadka soo maray ka ganacsiga dadka, in ay helaan caawimaad, iyo in xuquuqahooda la hirgeliyo. Wakiilku waxaa uu tusaale ahaan hirgelinayaa ka gancsiga dadka ee arrinkooda la caddeeyay iyo wixii dhacdooyin ah ee arrinkaas la xiriira. Wakiilku wuxuu sidoo kale bixiyaa talosiinka dhanka sharciga, xaaladaha aan caadiga aheyn ee gaarka ahna, wakiilku waxaa uu awoodaa inuu qofka soo maray ka ganacsiga dadka u noqdo caawiye dhanka sharciga ah ee maxkamadda dhexdeeda.

Ilaalinta dal ka saarista

Mid ka mid ah shaqooyinka wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waa, in isagoo ah hawlwadeen aan cidna ku tiirsaneyn islamarkaana madaxbannaan, uu ilaaliyo dhaqangalka dal kasaarista dadka ajaanibta ah ee waddanka laga musaafurinaayo iyo kuwa dib loo celinayaba. 

Shaqada ugu muhiimsan ee ilaalinta uu sameynaayo wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda, waa qiimeynta sida loo dhaqangelinaayo xuquuqaha bani’aadnimo iyo kuwa asaasiga ah ee qofka la celinaayo.

Inta lagu guda jiro shaqada ilaalinta nidaam ahaan waa mid ilaalinteedu ay islabeddeleyso hadba inta ay le’eg tahay hawsha dal ka saarista iyo marxaladaha ay marayso, ama waxay ay noqon kartaa mid ku wajahan marxalad ka mid ah dal ka saarista. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee howsha ilaalintu ku wajahan tahay waxaa ka mid ah celinta ay boolisku la socdaan ama raacayaan qofka la celinaayo. Ilaalintu waxay xoogga saartaa shakhsiyaadka xaaladdoodu ay khatarta tahay, iyo dadka lagu celinaayo waddamada dhibaatadu ay ka taagan tahay (tusaale ahaan Afgaanistaan iyo Irak), iyo celinta  ay dhici karto in ay keensato khatar ah in awood la isticmaalo.

Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda wax awood ah kuma lahan in uu joojiyo celinta, ama dhexgalo arrinka ku saabsan dhaqangalka celinta, isticmaalka  qaababka awoodda ah iyo waqtiga celintu ay dhaceyso toonna.

Horumarinta xuquuqaha dadka ajnabiga ah

Shaqooyinka wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waxaa ka mid ah horumarinta xuquuqaha iyo darajada dadka ajnabiga ah.  Waxaa kaloo wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda intaa u dheer in iyadoo la cuskanaayo sharciga ajnabiga uu yahay kan ilaalinaaya hirgelinta xuquuqda ajaanibta iyo wax ka-qabashada sugitaanka xuquuqdaas. Wakiilku wuxuu xaq u leeyahay in laga dhegeysto arrimaha gaarka ah ee qofka magangalyoddoonka ah ama arrimaha khuseeya qofka ajnabiga ah ee dalka laga musaafurinaayo. Sidoo kale waxaa wakiilku uu leeyahay xuquuq ballaaran oo ku saabsan wargelinta arrimaha khuseeya dadka ajaanibta ah. Wakiilku wuxuu xaq u leeyahay in uu galo diiwaanka shakhsi- ahaaneed ee khuseeya qofka ajnabiga ah (diiwaanka qofka ajnabiga ah), waxaana uu sidoo kale xaq u leeyahay in lagu wargeliyo dhammaan waxa ay u cusakadeen go’aamada khuseeya ajaanibta ee ay gaaraan Waaxda socdaalka iyo maxkamadda maamulka.

Takoorka

Takooristu waa in qofka loola dhaqmo si ka xun sida dadka kale, iyadoo lagu saleynaayo astaan ama wax  u gaar ah qofkaas oo uu dadka kale kaga duwan yahay. Dadka oo dhan waxaa ay xaq u leeyihiin in si siman oo caddaalad ah loola dhaqmo, takoorkana waxaa lagu diiday qeybo badan oo ka mid ah sharciyadeenna qarameed, sharciyada sinnaanta iyo cadaaladda, sharciyo dambiyeedka iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda bani’aadamka. Sida uu dhigaayo sharciga sinnaanta iyo cadaaladda, qofna laguma takoori karo da’da, asalka uu ka soo jeeddo, dhalashada, luqadda , diinta, waxa uu aaminsan yahay, aragtidiisa, hawlaha siyaasadda, xirfadda, xaaladda qoys ahaaneed, xaaladda caafimaad, naafanimada, dhinaca jinsiga ee uu u janjeero ama waxyaabo ku saleysan arrimo kale oo shakhsiga la xiriira.

Aniiga miyaa la i takooray?

La kulmidda takooristu waa arrin aad u culus oo leh dareen qofka la soo gudboonaada. Haddii aad tuhunsan tahay in lagu takooray, waxaa dalkan Finland ka jira hay’ado dhowr ah oo aad arrinkaas kala xiriiri karto, kuwaasoo adiga kaa caawinaaya sidii xaaladdaas qiimeyn loogu sameyn lahaa.

Waxaa dhici karta in qofka ay ku adkaato in uu isagu qiimeyn ku sameeyo, in xaaladda arrinkaan lagu sameeyay uu yahay takooris sharciga ka soo horjeeda iyo inkale. Wakiilka sinnaanta iyo caadaladda ayaa qiimeynaya arrinkaaga, isagoo si gaar ah u cuskanaaya sharciga sinnaanta iyo cadaaladda.

Qiimeynta takooristu waxaa ay ku bilaabaneysaa iyadoo si qaabab kala duwan ah arrinka aqoonsi loogu sameeynaayo. Dhammaan qaababkaas kala duwan ee aqoonsiga takoorista waxaa la eegayaa: aniga ma waxaa la iila dhaqmay si ka duwan sida dadka kale? Marka laga hadlaayo in dadka si kala duwan loola dhaqmo ma aha arrin la diidan yahay. Waxaa arrinkaas aan la oggoleyn, waa marka  sababta habka ula dhaqankaas ay tahay mid la xiriirta waxyaabaha la diiday ee takoorka ku saleysan. Tusaale ahaan waxaa arrinkaas noqon kara, marka qofka sameynaaya adeegga macmiilka uu sababta la dhaqanka qofka ku saleeyo arrin la xiriirta asalka qofka ama naafanimadiisa awgeed.

Marka aad la soo xiriirto wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda

Khubarada xafiiska wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda ayaa qimeyn ku sameynaaya dhammaan arrimaha takoorista ku saabsan ee lagala soo xiriirey ee soo gaaray xafiiska wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda. Inkastoo ay dhici karto in uu qofku u arko in uu noqday dhibane la takooray, laakiin haddana waxaa dhici karta in arrinkaas uusan aheyn mid ku saabsan waxyaabaha takoorista loola jeedo ee ku cad sharciyada sinnaanta iyo cadaaladda. Xaaladda noocaas oo kale ah wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda wax awood ah kuma lahan in uu arrinka qiimeyn ku sameeyo. Waxaana markaa haboon in hawlwadeen kale oo dowladda ah uu xaaladdaas qiimeyn ku sameeyo. Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda sidoo kale wax awood ah uma lahan in uu qiimeyn ku sameeyo xaaladaha takoorista khaaska ah ee shaqada.

Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waxaa isagoo adeegsanaaya ilaha awooddiisa uu ku dadaalayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan u caawiyo qofka la soo xiriirey. Haddii wakiilku uusan isagu wax ka qaban karin arrinkaaga, adeegga macmiilka ayaa talo kaa siinaya halka laga heli karo caawimaadda arrinkaaga. Hab la dhaqanka aan cadaaladda ku saleysnayn ee qofka soo waajaha, mar kasta ma ahan mid takoor ah. Sidoo kale wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda ma burin karo go’aamada ay gaareen hawlwadeennada kale ee dowladda.

Adeegga macmiilka

Waxaad wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda ula soo xiriir kartaa

  • In aad iimeyl u soo dirto: yvv(at)oikeus.fi
  • Ama aad heeganka soo wacdo
  • Heeganku waxaa uu furan yahay maalin kasta oo talaado, arbaco iyo khamiis ah, saacadda 10 – 12, tel: 0295 666 817
  • Ama aad waraaq u soo dirto
  • Dhanka internetka ayaad nagula sheekeysan kartaa maalin kasta oo isniin iyo arbaco ah, saacadda 13-15 iyo jimco walba saacadda 10-12 (boggeena internetka)
  • La kulanka shakhsi ahaaneed waa in si gaar ah loo ballansadaa

Xafiiska wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waxaa uu kuugu adeegayaa luqadaha finishka, iswidhishka iyo ingirisiga. Waxaana sidoo kale haddii loo baahdo aad kula soo xiriiri kartaa luqadaha kale. Adeegga xafiisku waa mid bilaash ama lacag la’aan ah. Shaqaalaha wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waxaa saaran waajibka ah in ay sirta qofka qariyaan, tusaale ahaan waxyaabaha aan la sheegi karin ee la xiriira arrimaha ku saabsanarrimaha gaarka ah ee khuseeya nolosha qofka.

Marka arrinkaagu uu yahay mid ku saabsan takoorista

Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda ayaa kula soo xiriiraya haddii aad la kulantay ama ay ku soo wajahday takooris.  Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda waxaa uu ku siinaaya talooyin iyo hagis, waxaana uu kaa caawinayaa caddeynta la xiriirta tuhunka takoorista ah. 

Foomka la soo xiriirka

Haddii uu arrinkaagu ku saabsan yahay ka ganacsiga dadka, Ilaalinta dal ka saarista ama arrimaha ajaanibta

Wakiilka sinnaanta iyo cadaaladda ma sameynaayo shaqada macmiilka ee ka ilaaiye ahaan dal ka saarista ama ka warbixiye ahaan ka ganacsiga dadka. 

  • Arrimaha la xiriira ka ganacsiga dadka waxaad la soo xiriri kartaa iimeyka ah: yvv(at)oikeus.fi.
  • Qofka ah dhibnaha soo maray ka ganacsiga dadka waxaa uu caawimaad ka heli karaa nidaamka caawinta ee dhibanaha soo maray ka ganacsiga dadka, cinwaanka boggooda internetku waa : http://www.ihmiskauppa.fi/ 
  • Sidoo kale dhibanaha ka gacsiga dadka waxaa taageero u fidiya ururro dhowr ah oo ay ka mid yihiin : Rikosuhripäivystys, Pakolaisneuvonta, Pro-tukipiste ja Monika-Naiset liitto ry.
  • Arrimaha la xirira  ilaalinta dal ka saarista waxaad la soo xiriiri kartaa iimeylka ah: [email protected]
  • Wixii ku saabsan  arrimaha ajaanibta waxaad la soo xiriiri kartaa iimeylka ah: [email protected]

Halka aad nagala soo xiriiri karto

Iimelylka (asiakaspalvelu ja kirjaamo): yvv(at)oikeus.fi
La soo xiriirka warbaahinta / fariimaha: viestinta.yvv(at)oikeus.fi
Arrimaha la xiriira ka ganacsiga dadka: yvv(at)oikeus.fi
Arrimaha la xiriira ilaalinta dal ka saarista: yvv(at)oikeus.fi
Iimeylladda shakhsi ahaaneed waxaa ay u qoran yihiin sidatan: magaca koowaad.magaca qoyska (at)oikeus.fi

Telefoonnada:

Adeegga macaamiisha: 0295 666 817 (telefoonka heeganka waxaa uu furan yahay talaada-khamiis, saacadda 10-12)
senteraalka: 0295 666 800
la soo xiriirka warbaahinta fariimaha: 0295 666 813 ama 0295 666 806
Faksi: 0295 666 829

Cinwaanka:

Cinwaanka boostada: Yhdenvertaisuusvaltuutetun toimisto PL 24 00023 Valtioneuvosto
Cinwaanka xafiiska: Ratapihantie 9, Helsinki